caano diiq
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caano diiq
Farming, dairy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanodiiq
-da: (magac, dhedig, keli) dadka caanaha ka ganacsada. Dh: caanadiiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiq
(fal) magaalada ama tuulada caano u iibgee.
caanadiiq-a: (magac, lab, keli) shaqada iibgeynta caanaha; iibinta caanaha ka shaqaysigeeda.
caanadiiq-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo caanaha xoolaha meel magaalo ama tuulo ah u iibgeysa. Aamina waa caanaqiid.
caanadiiq -da: (magacwadareed) dadka caanaha magaalooyinka ama hayjadaha u iibgeeya. Baabuurkii caanadiiqdii buu qaaday. Dh: caanaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaddiiq
caanaddiiq¹: m.l Dad caanaha xoolaha suuqa u iib geeya. la-mid: caanateel¹, caanateelley, caanooley (1).
caanaddiiq²: f.g/mg1 (-qay, -qday) Dad, caanaha xoolahooda suuq u iib geeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanaddiiq
m. n., [compound] milkman, one who gives milk as a gift ~ brings it to market
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanaddiiq
de: milkman, one who gives milk as a gift ~ brings it to market
lx: caanaddiiq
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: caanaddiiq
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dairy
Caano diiq
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Farming, dairy
Caano diiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiid
(fal) dhamista caanaha ama dhaadhista naaska ka joogso.
caanadiid: (tilmaame) qof caanadhamistu ka badatay ama ay wadnaha ka qabteen, oo dhamistooda kahda ama ka joogsada oo iska soo taaga. Axmed waa caanaddiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanaddiid
(Caanaddiid-ka)
Qof caano ku keliyeysteen oo indhihiisa ka bateen, ama ay wadnaha ka qabteen, kahashada iyo diidmada uu dhamiddooda diido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaddiid
caanaddiid¹: m.l 1. C. ah: waqtiga barwaaqada qofka caanaha dhami kari waayay, markay ku keliyaysteen. 2. la-mid: caanadiidid.
caanaddiid²: f.mg1 (-day, -dday) Waqti barwaaqo ah, caano dhami waayid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanaddiid
vl. n., [compound] hesitation ~ refusal to drink milk
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanaddiid
de: hesitation ~ refusal to drink milk (e.g., by one who is fed up with or sick of the sight of milk)
lx: caanaddiid
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: caanaddiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaddiiqid
m.f.dh eeg caanaddiiq². la-mid: caanaddiiqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaddiiqis
m.dh la-mid: caanaddiiqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) caano iibgeyn. Dh: caanateelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiqis
-ta: (magac, dhedig, keli) caano iibgeyn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAANO-DHIGE
(Ana-diche) N Lantana petitiana Rich. Verbenaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAANO-DHUUQ
(Ano-dug) N Orthosiphon somalensis Vatke. Labiatae.
S, C Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
S Chloris virgata SW. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caanood
name-f white; milkie
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candiid
m.l la-mid: cindiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candiid
m. n. milk mixed with water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candiid
-ka: (magac, lab, keli) caano biyo ku darid: caano badhxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
candiid
a: cindiid
de: milk mixed with water
lx: candiid
pd: (-ka)
ps: n-m
key: candiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanbiiq
-a: (magac, lab, kali) daayeerka kiisa dhasha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaadiiq
m.dh.w eeg buntuq. la-mid: banaatiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banaadiiq
f. n., pl. rifles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
banaadiiq
-da: (n) [plural of buntuq- a] guns (ganis); riffles (raayfelis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banaadiiq
bw: Arabic
de: rifles Sg: bunduq ~ buntukh
lx: banaadiiq
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: banaadiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casardiiq
-da: (magac, dhedig, keli) kolka qorraxda dhiciddeedu soo dhowdahay, casar gaaban. Cadceeddoo casardiiq ahoo, godka caarada saartay, ayaa ciidan la keenay. Dh: arliiq, gabalgaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanaadiiq
f. n., pl. boxes, chests, trunks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanaadiiq
-da: (n) [plural of sanduuq-a] boxes (booksis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanaadiiq
bw: Arabic
de: boxes, chests, trunks Sg: sanduuq
initial: s
lx: sanaadiiq
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: sanaadiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroordiiq
(Baroordiiq-a, Baroordiiq-da)
Qof wax culusi gaareen, hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah oo lagu yiraahdo; baroor la qaybsad; tacsi ugu tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroordiiq
baroordiiq¹: m.l/dh 1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. la-mid: baroordiiqid.
baroordiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baroordiiq
baroordiiq¹: m.l/dh Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi.
baroordiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid. m.f.dh, baroordiiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroordiiq
vl. n., [compound] consoling, sympathizing, joining in mourning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baroordiiq
-da: (n) the act of mourning (moorning) ~ tacsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroordiiq
-da: (magac, dhedig, keli) hadallo dejin iyo samirsiis ah oo lagu yidhaado qof dhib culus ama geeriyi ku timi. Dh: tacsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroordiiq
de: consoling, sympathizing, joining in mourning
lx: baroordiiq
pd: (-a ~ -da)
ps: vn2a-m/f-cmp
key: baroordiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanammiir
m.l Qalab caanaha lagu miiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanammiir
m.l Qalab caanaha lagu miiro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caano maal
-ka: (n) day (dheey) Ex: labo caano maal; two days
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanoddeys
m.l Ubadka xoolaha oo caanonuugiddii ka go'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaddiidid
m.f.dh eeg caanaddiid². la-mid: caanadiid¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiidid
-da: (magac, dhedig, keli) dhamista caanaha ama dhaadhista naaska ka joogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiidis
-ta: (magac, dhedig, keli) ka go'idda dhamista caanaha ama dhaadhista naaska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarootiyid
m.f.dh eeg caarooti². la-mid: caarooti¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) roob aan weli dhab u curan ahaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carro degis
Illuviation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadi dhiig
-ga: (n) hematuria (hima tuuriya) kaadicaso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caano dhanaan
n. phr. sour milk